BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
TOOS, Iska-caabin iyo aargoosi - Iiraan oo doonaysay inay fariin u dirto dunida intii lagu jiray sagootinta Khamenei
Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, ayaa si cad uga maqnaa aaska aabihiis, iyadoo mas'uuliyiin sare ay ku biireen kumanaan qof oo ka qeyb galay aaska Ayatolah Cali Khamnei
Caqabad cusub oo haweenku ka wajahayaan dhanka uur-qaadista oo hadda la ogaaday
Khubarradu waxay sheegeen in isbeddellada la xiriira gabowga ee ku dhaca xuubka gudaha ee ilmo-galeenka ay noqon karaan sababta arrintan, isla markaana ay jirto rajo ah in mustaqbalka la heli karo daaweyn wax ka qabata.
Maxay yihiin howlaha adag ee horyaalla Aadan Madoobe, madaxweynaha cusub ee Koonfur-galbeed?
Aadan madoobe ayaa afartii sano ee la soo dhaafay ahaa afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya, isaga oo wax ka beddello dhowr ah ku sameeyay dastuurka Soomaaliya.
In ka badan 1,000 qof oo loo xiray hawlgal ka dhan ah tahriibinta dadka
Dalalka ka qayb galay hawlgalkan waxaa ka mid ahaa UK, US, Faransiiska, Jarmalka, Isbaanishka, Nayjeeriya, Thailand iyo Vietnam.
Trump oo xaqiijiyay wixii uu Fifa kala hadlay ee ku saabsan Balogun
Laakiin Fifa ayaa qaadatay go'aan lama filaan ah oo ay ku hakinayso ganaaxa hal kulan ee tooska ah muddo 12 bilood ah - taasoo sii deysay weeraryahanka Mareykanka, kaasoo dhaliyay saddex gool tartanka xagaagan, si loogu soo xusho ciyaarta ka dhacaysa Seattle.
Warsame: "Marka ay walaalahey iskuulka aadayaan, aniga guriga ayaa leygu heyn jiray xitaa dadka gurigeenna yimaada waa leyga qarin jiray"
Warsame waxa uu la nool yahay xaalad caafimaad oo afka khalaad lagu dhaho Dwarfism, taas oo ah xaalad oo uu qofka qaangaarka ah dhererkiisu aad uga gaaban yahay celceliska dadka.
27 Duulimaad, 24 Ciyaarood: Saamaynta Kaarboonka ee Safarka Madaxweynaha FIFA ee Koobka Adduunka
BBC Verify iyo BBC Sport ayaa dabagal ku sameeyey diyaarad gaar loo leeyahay oo lala xiriiriyo in ay adeegsadaan FIFA iyo Gianni Infantino.
Haweenkii kaalinta wayn ka qaatay aasaaskii qarankaMarayknaka; kumay ahaayeen 'hooyooyinkii wax ka aasaasay'?
BBC Mundo waxay la hadashay afar ka mid ah taariikhyahannada ugu caansan kuwaas oo bartay doorka haweenka ee Kacaankii Mareykanka iyo aasaaskii Mareykanka qarnigii 18aad iyo 19aad.
Xanuunnada laga qaado uunsiga ay Soomaalida guryaha ku shitaan
Daraasad ay soo xigatay Maktabadda Qaranka ee Daawada ayaa lagu ogaaday in qiiqa uunsiga iyo cuudka uu kordhin karo dhimashada ka dhalata cudurrada wadnaha iyo istaroogga qiyaastii 12 boqolkiiba.
Puntland oo ku adkeysatay in aan maalgashi kalluumeysi laga sameyn karin xeebaheeda
Xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay xumaa, iyadoo arrinta ugu weyn ee la isku diiddan yahay ay tahay wax ka beddelka dastuurka.
Muxuu hoggaamiyaha sare ee Iiraan uga maqan yahay aaska aabbihiis Ayatollah Ali Khamenei?
Mojtaba Khamenei laguma arkin goob fagaare ah tan iyo weerarkii lagu dilay aabbihiis billowgii dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ay kula jireen Iran.
Sidee qalabka elektaroonikada u saameeyaan jirkeena?
Daraasado dhawaan la sameeyay ayaa muujinaya in taleefankaaga iyo aaladaha kale ee elektaroonigga ahi ay beddeli karaan qaabka qoortaada, dhaawici karaan araggaaga, saameyn karaan habka aad u socoto, isla markaana daciifin karaan murqahaaga. Khubarada qaarkood waxay xitaa ka cabsi qabaan in ku tiirsanaanta tiknoolajiyadu ay soo dedejinayso gabowga.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Sacdiyo Bajaaj oo xabsi 3 sano ah lagu xukumay, maxaa lagu sababeeyey
Maxkamaddu waxay sheegtay inay ku heshay dambiyadii ay xeer ilaalintu ku soo oogtay, qareennadeedana waxay sheegeen inay racfaan ka qaadanayaan xukunka
Iran: '$6 bilyan oo hantidii xayirneed ah ayaa naloo sii dayn doonaa'
Wafuud Maraykan ah iyo Iran ayaa goor hore gaaray dalka Switzerland si ay qayb uga noqdaan wada-xaajoodyo farsamo oo hoos imanaya heshiis is-afgarad ah oo la saxeexay Arbacadii si loo soo afjaro colaaddii bariga dhexe ee bilihii la soo dhaafay socotay, dibna loogu furi lahaa marin biyoodka Hormuz.
Waa kuma Andy Burnham, ninka la filayo in uu noqdo ra'iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska?
Waqtigii lagu guda jiray aftida Brexit, waxa uu muujiyay rabitaan uu ku doonayo in uu arko UK oo dib ugu biirta Midowga Yurub inta uu nool yahay.
Suuriya beddel ma u noqon kartaa Israa'iil si ay u xakameyso Xisbullah?
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ka hadlay suurtagalnimada in Suuriya ay door ku yeelato iska hor imaadka Xisbullah ee dalka Lubnaan, isagoo ku dhawaaqay inuu arrintaas kala hadlay madaxweynaha Suuriya Axmed Al-Sharaa, uuna qarka u saaran yahay inuu faylka Xisbullah ku wareejiyo Suuriya.
Ma laga soo gudbay casrigii lagu dagaallami jiray taangiyada, maxaase beddelay?
Taangiyada iyo gaadiidka gaashaaman ee si culus u hubaysan ayaa si degdeg ah u luminaya muhiimaddoodii goobaha dagaalka ee u dhexeeya Ruushkaiyo Ukraine.
Dilal, silic iyo arxan-darro: Shan maamul oo taariikh dhiig badan ku reebay Afrika
Markii ay talada qabteen, intooda badan waxay ku xukumeen gacan bir ah, iyagoo hirgeliyey siyaasado cabburin ah oo ay ka mid ahaayeen dilal siyaasadeed, daldalid ama dilal si fagaare ah loo fuliyo, xarigyo aan sharci ku salaysnayn, iyo adeegsiga jirdilka gudaha xarumaha lagu hayo maxaabiista.
Iiraan: Ma jiraan qorshayaal lagu booqanayo xarumaha waxyeelladu soo gaartay ee Nukliyeerka
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa shalay sheegay:“Ma jiro qorshe ay IAEA ku kormeerto xarumaha Iran ee ku waxyeelloobay duullaankii militari ee Maraykanka iyo maamulka Sahyuuniyadda"
Su'aalaha aan jawaabaha loo hayn ee heshiiska Maraykanka iyo Iiraan
Dowladaha Khaliijka carabta ayaa si wadajir ah ay neefta uga soo fuqday balse waxay muujinayaan taxadar ku aadan heshiiska mareykanka iyo Iran.
Maxaan ka ognahay ilaa iyo hadda safarka uu madaxweyne Cirro ku tagay Israa'iil?
Cabdiraxmaan Cirro, madaxweynaha Somaliland ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook, waxa uu ugu mahadceliyay madaxweyne Isaac Herzog iyo shacabka Israa'iil soo dhawayntooda.
Hormuz ma furmi doonaa, cunaqabateyntana ma laga qaadi doonaa? Qodobbada muhiimka ah ee heshiiska Iran iyo Mareykanka
Kaliya marka Iran la xaqiijiyo inay fulisay shuruudaha heshiiska ayaa la siin doonaa faa’iidooyin dhaqaale.
Afar sababood oo ka hortagi kara xabbad joojin waarta oo dhex marta Iran iyo Maraykanka
Dagaalkan soo cusboonaaday ayaa imaanaya maalmo kadib markii Iran ay gantaal ku garaacday Israa’iil maalintii Axadda.
Duuliyihii meydka Siyaad Barre sida qarsoodiga ku keenay Soomaaliya oo markii ugu horreysay hadlay
Wuxuu ka sheekeeyey khadad duullimaad oo ay mareen, garoomo dayaaradeed oo ay ku raad-tirteen iyo lambarro duullimaad oo ay isticmaaleen
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 7 Luulyo 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 7 Luulyo 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 6 Luulyo 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 6 Luulyo 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.













































































